SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidanka dowladda Kenya ayaa gudaha u soo galay Soomaaliya Sanadkii 2011kii .

RW Ku-Xigeenka dalka oo gudoomiyay shirkii ugu horeeyay ee guddiga qaran ee abaaraha dalka
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo isbuucii hore loo magacaabay Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee heer Qaran ee Abaaraha ayaa shirkii koowaad ee guddiga gudoomiyay.

Mudane Carteh oo warbixino ku saabsanaa saameeynta abaaraha ka dhageystay Wasiirada dawlad goboleedyada ee ka mid ka ah guddiga ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku baraarujiyay in ay ka qeybgalaan caawinta dadka ay waxyeeleysay abaaraha.

“Waxa aan baaq u dirayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo aan ugu yeerayo in ay caawiyaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay sida daran u saameeyeen abaaruhu, dhamaanteen waa in aan si deg-deg ah u qaadno talaabooyin midho-dhal ah oo aan uga gudubno xaaladda adag oo kumanaan Soomaali ah ku suganyihiin’’.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa warfidiyeenada u sheegay in guddigu uu diyaarin doono hal qorshe oo ay kuwada howlgali doonaan qeybaha kala duwan ee gacan ka geysan doona gargaarkan.

“Waxa aan rabnaa gargaarkan in uu yeesho hal qorshe si aanay u dhicin in siyaabo kala duwan loo howlgalo; shirkadaha waa-weyn, ganacsatada, bulshada rayidka, iyo hay’adaha caalamiga ah waxa aan ku boorineynaa in ay doorkooda ka qaataan gargaarkan’’.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay guddiga gacan ka siiyaan howshan.

-----DHAMAAD-----

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®