SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyaha Guud ee Ciidanka Kenya oo ugu baaqey Ciidankooda Kismaayo in aysan faraha lagalin siyaasada Somalia

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwathethe iyo Xoghayaha Difaaca ee Xukuumadda Raychelle Omamo ayaa ugu baaqay ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya in aysan faraha la galin Siyaasada Soomaaliya , laakiin ay ka qeyb qaataan oo kaliya sugitaanka ammaanka dalka Soomaaliya.

Booqasho ay ku tageen Magaalada Kismaayo oo ay joogaan ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ayuu taliyaha ciidanka Difaaca Kenya uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in ay qaataan doorkii loo idmaday oo ahaa Nabadeynta dalka deriska la ah Kenya ee Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ciidanka dowladda Kenya ay ka bixi doonaan Soomaaliya hadii ay dhacdo doorashada Kenya ee sanadka 2017 .


Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Kenya Samson Mwathethe iyo Xoghayaha Difaaca ee Xukuumadda Raychelle Omamo ayaa sidoo kale xusuusiyay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Soomaaliya intii ay joogeen , waxaana ay sheegeen in marwalba ay dowladda Kenya ay ka fakarayso sidii loo yarayn la haa dhibaatooyinka Soo foodsaara ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli horay ciidanka dowladda Kenya loogu eedeeyay in ay qeyb ka noqdeen dagaallo siyaasadaysan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®