SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
2512/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Galmudug oo Beenisay in Puntland ay Furtay Wadooyin Ku Xirmay Dagaaladii Gaalkacyo

 

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa si cad u beeniyay in Puntland ay Furtay Wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.


Cabdi Xuseen Maxamed Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Puntland ay go’aasaday in ay furto wadooyinkii ku xirmay dagaalada, islamarkaana wali ay xiran yihiin wadooyinkii xirnaa.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in Dhanka Galmudug ay ka go’an tahay in dib loo furo isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Gobolada Mudug.

Dhawaan Wasiirka Degaanka iyo Duurjoogta Maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo magaaladda Galkacayo ee Gobolka Mudug kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadalay ganacsiga iyo isku socodka magaalada Gaalkacyo oo kala xiran, waxaana uu sheegay in dhinac koonfurta ee Maamulka Galmudug uu ka xaniban yahay ganacsigu.

Wasiir Cali Cabdullaahi, oo sidoo kale ka mid ah guddiga amniga gobolka Mudug ee Maamulka puntland , ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay dib u furaan isku socodka iyo ganacsiga magaalada, oo ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta gobolka, oo la joojiyo dagaaladda, la iskana dhigo qoriga.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®