SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
2512/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Turky-ga oo Somaliland Cadaadinaya in La Xiro Xarunta Nile Academy

 

Dowladda Turky-ga ayaa Maamulka Somali-land ka Codsatay in la xiro dugsiga Waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgeliyo Wadaadka Fethullah Gülen oo lagu eedeeyay abaabulka afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas.


Danjire Olgan Bekar, oo ah safiirka Turkiga u jooga Somaaliya oo uu weheliyey guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga xildhibaan Dr. C. Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa si rasmi ah Xukuumadda Somali-land uga codsaday inay xirto dugsigaas, iyagoo balan qaaday inay buuxinayaan kaalinta Waxbarasho ee uu dugsigaas Nile Academy baneeyo.

Maamulka Somaliland ayaa hoey u sheegay in aan la xiri doonin, Xarumaha Nile Academy ee deegaanada Maamulkaas, balse haatan waxaa jira cadaadis ay Dowladda Turky-ga Saarayso Somali-land si loo xiro xarumahaas.

Dowladaha Soomaliya iyo Turkey-ga ayaa dhawaan ku heshiiyay in la xiro xarumaha Nile Academy ee Soomaliya kadib markii wadaadka Mr. Fethullah Gülen oo ah ninka iska leh xarumahaan lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®