SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Magaalada Gaalkacyo Xaladeda oo ah Saakay mid degan ka dib dagalo shalay ka dhacey

Tirada dadka sida sharcidarada ah ugu tahriiba Yurub ee sanadkan badda Mediterranean-ka ku dhimatay ayaa gaartay 5,000 oo qof, taas oo ah tiradii ugu badneyd abid, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qiimeyntan ugu dambeysa ee ay shaaciyay hay’adda UNHCR, waxaa ka mid ah 100 qof oo ku dhimatay xilli ay saarnaayeen doon yar oo ku degtay xeebaha Taliyaaniga.

Xilligan oo badda ay cimilo ahaan xuntahay, tirada tahriibayaasha hoos ayey u dhacday, balse halista ay isgelinayaan ayaa ka badan.

Waxay raacaan doomo halis ah, si ay uga baxsadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas ayaana ah farsamo cusub, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

UN waxay dalalka Yurub ka dalbaneysaa in la sameeyo qaabab sharci ah, si loo badbaadiyo tahriibayaasha.

Afhayeenka, William Spindler, wuxuu sheegay in tirada dhimashada oo sare u kacday ay tahay digniin.

Wuxuu tilmaamay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen inay hal mar isla diraan kumannaan qof oo doomo kala duwan saaran, taas oo dhib ka dhigeysa samata bixinta.

Ku dhowaad, 360,000 oo qof ayaa sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub, badankoodana waxay gaareen Taliyaaniga iyo Giriigga, sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.

Dadka tahriibayaasha ah badankooda waxay ka gudbaan badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Taliyaaniga, ka dib markii la xiray dhanka Turiga iyo Giriigga, horraantii sanadkan.

Sanadkii hore ee 2015-kii, 3,800 oo qof ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay IOM.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®