SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

EX: Cali Maxamed Geedi oo Lagu Eedeeyay in Lacag Loogu Deeqay Soomaliya uu Wiilkiisa Ku Aroosiyay

 

Maxamed Axmed Koofurow oo kamid ah waxgaradka Mudulood oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Raisulwasaarihii Hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne uu yahay shaqsi dambi ka galay dalka.

Koofurow ayaa tilmaamay Cali Maxamed Geedi uu amar ku bixiy xiligii uu Raisulwasaaraha Soomaliya ahaa in lalaayo dad Soomaliyeed o daganaa Excontrol ilaa wadda Warshadaha ee Magaalada Muqdisho isagoo u adeegsaday Ciidamado shisheeye.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacago malaayiin ah oo loogu deeqay dowladda Soomaliya isagoo taasi badalkeeda wiilkiisa ugu guuriyay iyadoo arooskaa diyaarado loo adeegsaday.

“Cali Maxamed Geedi dalkaan dambi uu ka galay waa la ogyahay, waa ninkii yiri ha lalaayo dad shacab ahaa oo ku noolaa inta u dhaxeyso Warashadaha ilaa Ex kontorool balcad, Cali sidoo waxa uu lunsaday lacag dhan 50-Million dollarka Mareykanka oo loogu deeqay Soomaliya,taasi badalkeeda wiil uu isaga dhalay ayuu ugu guuriyay iyadoo diyaaro lagu galbiyay arooskaas, Cali uma qalmo in uu madaxweyne ka noqdo dalkaan”, ayuu yiri Nabadoon Maxamed Axmed Koofurow.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya In aysan cododkooda siinin Siyaasiga Cali Maxamed Geedi Raisulwasaarihii Hore ee Dowladii KMG aheyd oo haatan ah Musharax Madaxweyne.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®