SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Tirada Dagaalyahanada Daacish ee Lagu Dilay Afrika, Asia, iyo Europe oo Lasoo Saaray

 

Kadib kulan ay si wadajir ah u yeesheen qubaro Ciidan oo ka kala socda qaaradaha afrika, Asia, iyo Europe ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii loosoo afjari lahaa la dagaalanka waxa ay ugu yeereen arga gixisada iyo khatarta kooxda Daacish.

Kulankaani oo abaabulkiisu lahaa ururka la dagaalanka arga-gixisada afrika ayaa Inta uu socday lagu soo bandhigay Kiro Koob la xiriira hoos udhaca iyo sara ukaca awoodda Ciidan kooxda Daacish ee wadamada (Mali, Chad, Nigeria, Mauritania, Burkina Faso iyo Somalia).

Qubarada kulankaani ka qeyb gashay ayaa inta uu kulankaani socday waxa ay falan qeyn ku sameeyeen sida ay ku aas-aasmeen kooxaha daacish iyo Al-Qaacidda.

Saalik Naajim Max’ed oo ah Xog-hayaha guud ee ururka la dagaalanka waxa loogu yeero arga gixisada ayaa kulanka ka dhex sheegay in xubnaha Daacish markoodii hore ay ka farcameen Al-Qaacida isagoona ku tilmaamay in ay sabab u tahay kadib markii ay xubno iyo hogaamin ay ka waayeen sida uu hadalka u dhigay.

Ismaaciil Sharqi oo ah madaxa amaanka iyo Nabad galyada ee Afrika ee Ururkaasi isku tagay ee ka kooban Qaadaraha Afrika, Asia iyo Europe la dagaalanka waxa loogu yeero Arga gixisada ayaa mar uu ka hadlaye qasaaraha la gaarsiiyey Daacish sanadkaani dhamaadka ah ku sheegay in laga dilay labo kun ilaa labo kun iyo shan boqol oo askari sida uu sheegay.

Madaxa la dagaalanka waxa loogu yeero arga gixisada ee Dowladda Faransiiska ayaa sheegay in dowladda France ay malaayiin doolar oo horleh ay ku bixineyso la dagaalanka iyo waliba soo afjaridda waxa uu ugu yeeray arga gixisada caalamka.

Waxa uu intaasi kusii daray in Dowladda Faransiiska ay xiligaani wadaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen arga gixisada wadamo ay kamid tahay Soomaaliya sida uu sheegay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®