SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Nin Iiraani ah oo dilay gabar diiday inuu guursado iyo qaar ka mid ah Qoyskeeda oo gaaraya ilaa 9 qof.

 


Wakaalladda Wararka Iiraan ee The Mehr News Agency waxay Khamiistii la soo dhaafay baahisay in Wiil dhallinyarro Iiraani ah uu dilay 10 xubnood oo ka soo jeeday hal qoys.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ka carooday, kadib, markii loo diiday inuu guursado gabar ay dhaleen qoyskaasi oo ku nool Degmadda Jihaan Abaad ee Gobalka Karmaan ee W/bari ee dalkaasi.

Wuxuuna soo qaatay qori AK 47 oo uu u adeegsaday Toogashadaasi naxdinta leh, isagoo markii hore dilay gabadhii loo diiday, kadibna uu ku jeestay qeybaha kale ee Qoyskeeda, isagoo dilay 9 qof oo ay ku jireen 3 haween iyo 2 carruur ah.

Waxaa kaloo uu dhaawacay 5 qof, kuwaasi oo 2 ka mid ah xaalladooda aad u liidato, sida ay sheegeen Saraakiisha Isbitaalka lagu daaweynayo.

Dilalka noocaasi kuma cusba dalka Iiraan, sida ay shaaciyeen Warbaahinta dalkaasi, iyadoo sannadihii la soo dhaafay dhaceen dilal ku xiriirsan falalka diidmadda ee Guurka iyo weeraro Aashito (Acid Attacks) oo lala beegsado Haweenka Da’da Yar.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®