SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Ruux Shacab ahaa ku Dilay Muqdisho

Askarigan oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bartamaha Magaalada Muqdisho waxuu Caawa ku Dilay Ruux Shacab ah.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada ka xeysa Mootada nuuca loo yaqaano Bajaaj-ka waxaaana Dilkiisa uu ka dhacay Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Askariga uu lacag weydiistay Darawalka Mootada, markii uu u diidayna uu rasaas ku huwiyay Darawalka.

“Askariga ayaa isga cararay goobta markii uu Dilka geystay”, sidaasi waxaa yiri Goobjoogaha la hadlay Idaacadda Shabelle.

Askariga falkan dilka ahaa geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tirsan yahay Ciidamada Militariga balse uu si gaar ah ula shaqeeyo Shirkad gaar loo leeyahay oo lacago ka qaada Ganacsatada iyo Gaadiidleyda.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Dilkaasi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®