SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaali iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay xiriirka Labada dal

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka Labada dal, kadib markii Mas’uuliyiin ka tirsan Labada dhinac ay kulan ku yeesheen Magaalada Abu Dubai.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taalla Magaalada Abu Dubai ayaa waxaa yeeshay Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga Dowladda Imaaraadka Carabta Haweeneyda lagu magacaabo Reem bint Ibrahim Al Hashemi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye.

Labada dhinac oo kulankooda uu saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga wada hadleen horumarka gobolka, Dhaqaalaha, xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimaha danaha labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda, isagoo ku amaanay sida mar walba ay ula garab taagan yihiin taageerada aan xadka laheyn ee ay siinayaan Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga Dowladda Imaaraadka Carabta Haweeneyda lagu magacaabo Reem bint Ibrahim Al Hashemi ayaa sheegtay in ay sii laba laabayaan taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, iyadoo amaantay horumaradii u dambeysay ee ay sameysay Dowladda Federaalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®