SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shir ay ka qeyb galeyso Wasaaada Qorsheynta Somalia oo maanta ka furmaya Garowe

Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland shalay waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qaloocow.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka maanta Magaalada Garowe waxaa ka furmaya shir looga hadlayo Qorshaha Qaran ee maamulida mashaariicda ka timaada Midowga Yurub.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo uu ugu horeeyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qaloocow iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta ee Maamulka Puntland.


Agaasime ku xigeenka Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Daahir Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay ujeedka ay Garowe u gaareen in ay tahay qorshe wadatashiyo Guud ah oo maamul Gobaledyada Dalka lala sameynayo.

Maxamed Daahir Faarax ayaa sidoo kale sheegay in wadatashiyadan guud kadib qorshahan la xiriira habkii loo maamuli lahaa mashaariicda kala duwan ee Midowga Yurub la hirgalin doono horaanta sanadkan cusub ee soo socda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®