SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shirkii Madasha Wadatashiga oo la filayo in maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeynayo.

Shirka Madasha Wadatashiga ee Hoggaamiyayaasha Qaran ayaa maanta la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho.

Waxaana Shirkaasi Goob joog ka ahaa kana qeyb galayay Xubno matalayay Beesha Caalamka.

Iyadoona maanta la filayo in Madaxda Madashu soo saaraan Qodobo la xiriira waxyaabaha ay isku afgarteen.

Warar ayaa sheegaya in Doorashada Madaxweyne dib loo dhigi rabo mar kale xilli lagu waday in la qabto 28-ka Bishaan December 2016.

Waxaana Wararka ay intaasi ku darayaan In Doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka la filayaa in ay dhacdo 5 January 2017 halka mida Madaxweyne iyana la qaban doono 22 January 2016.

Ilo wareedyo ayaa iyana sheegaya in Xubnaha labada aqal Maamulka Soomaliland xubin laga reebay islamarkaana loogu daray Puntland.

Sidoo kale Musharrixiinta Madaxweyne ayaa la sheegayaa in loo soo saari doono Shuruudo ay ka mid yihiin bixinta lacag dhan 30,000 oo dollar iyo Saxiixa 20 Xildhibaan.

Hadaba waxaa laga wada dhur sugi doonaa War Murtiyeedka Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®