SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay Beesha Caalamka

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sheegay in muddo badan ay kala hadleen sidii ay qeyb ugu noqon lahaayeen taageerada loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

C/weli Gaas ayaa xusay in loo baahan yahay in shacabka Puntland ay isku tashtaan kana shaqeeyaan sidii ay ugu gurman lahaayeen Walaalahooda dhibaateysan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in beesha Caalamka ay ka dhabeyso balan qaadyada ay u sameysay Puntland iyo taageerada shacabka degaanada Puntland.

Degaano ka tirsan gobolada Puntland ayaa waxa ka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka ku nool deegaanadaasi, waxana jira dad badan oo xoolahooda ay abaar ka dhameysay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®