SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
21/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Xalinta Khilaafka oo la kulmay Odayaasha gobolada Waqooyi

Guddiga Xalinta Khilaafka ee Doorashooyinka ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeeda degaanada maamulka Soomaaliland.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in ay tahay in la xaliyo qaar ka mid ah kuraasta xildhibaanada gobolada Waqooyi oo muran uu ka jiro.

Guddiga Xalinta Khilaafka ayaa sheegay in Odayaasha maamulka Somaliland ay kala hadleen muranka ka jira doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Somaliland ayaa wali ka socota Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horay u diiday xildhibaano kasoo jeeda degaanada maamulka Somaliland oo lagu doortay Muqdisho

Sidoo kale waxyaabaha ay ka cabanayaan Odayaasha kasoo jeeda maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid ah habka loo marayo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®