SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Kenya oo dalbaday in la taageero Ciidaada AMISOM ee Somalia ku sugan

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbatay Midowga Yurub in ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha dowladda Kenya in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid wali taagan ,islamarkaana Al-Shabaab ay khatar ku yihiin jiritaanka Qaarada Afrika iyo sidoo kale dunida inteeda kale.

Uhuru Kenyatta ayaa xusay in dagaalka Al-Shabaab uu yahay mid Caalami ah ,islamarkaana ay haboon tahay in loo Midoobo.

” Midowga Yurub waxaan ka codsanaya in ay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaa loo baahan yahay in lagu taageero dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab si gobolka uu xasilooni iyo ammaan u helo” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha dowladda kenya.

Dowladda kenya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay in ay sii wado kasii mid ahaanshaha howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa uu ugu dambeyntii xusay in dowladda Kenya ay wajaheyso dagaallo culus oo ka imaanaya Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaana ciidankii ugu horeeyay ee Kenya ay Soomaaliya soo galeen sanadkii 2011 kii.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®