SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada oo Guddi u xil saartay Xasuuqii AMISOM ay ka geysatey Gobolka Shabeelada Hoose

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi loo xil saaray dad Ciidanka AMISOM ay ku xasuuqeen gobolka Shabeelaha Hoose.

AMISOM ayaa habeen Hore Baasuuge ku dhufatay Gaari ay saarnaayeen 6 qof shacab ah oo khudaar u siday Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale AMISOM waxaa lagu eedeeyay in habeen hore ay ku dileen degaanka Ceel Wareegow Hooyo iyo sidoo kale caruurteeda.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay si deg deg ula kulmeen ciidanka AMISOM ka dib dhacdooyinkaasi xanuunka badan.

Gawaarida Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay geysteen Xasuuqa loo geystay Habeen Hore dadka shacabka ah ee kunoolaa gobolka Shabeelaha Hoose.

Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan dheeri ah ku sameyn doonaan dhibaatooyinka ciidanka AMISOM ay ka geystaan gobolka Shabeelaha Hoose.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®