SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Nin ay Abaar Xoolihiisii dhaafisay oo isku dilay Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in Abaar aad u daran ay ka jirto inta badan Gobolka Mudug,waxaana Abaartu ay sababtay in Dad iyo Duunyaba ay dhintaan.

Mid kamida Odayaasha Dhaqanka Maamulka Puntland oo lagu Magacaabo Gorod ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in Abaartu ay sababtay in Dadka Qaarkood ay is dilaan.

Gorod waxaa uu sheegay in Xabad uu Madaxa iskaga dhubtay Nin Oday ah oo kamid ah Dadka reer Guuraaga ah ee ku nool Waqooyiga Gobolka Mudug kadib markii Xoolihii uu dhaqan jiray ay Abaartu dhaafisay.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii Nin 60 sano jir ah uu isku Daldalay Gobolka Galgaduud markii Abaartu ay Xoolihii uu dhaqan jiray ay dhameysay.

Dhacdooyinkaan ayaa ah kuwo ku Cusub Soomaaliya,iyadoo dad badan markii ay Maqleen ay ka Naxeen.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®