SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xubno Ka Tirsan Dowladda oo Faragalin Xoogan ku haya Doorashada Xubnaha Ka Imaanaya G/Woqooyi

Odoyaasha dhaqanka Dir waqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa sheegay in faragalin lagu hayo doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganadaas, inkastoo hakad haatan la galiyay.

Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka Dir waqooyi ee Maamulka Somali-land Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegay qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaliya ay faraglin joogta ah ku hayaan doorashada islarmarkaana Guddiga doorashooyinka uu kusoo wargaliyay in la hakiyay doorashada.

Boqor Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran iyo beesha Caalamka in ay soo faragaliyaan dhibaatooyinka lagu hayo doorashada xubnaha ka imaanaya Gobolka Woqooyi ee Maamulka Somali-land.

Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaliya ayaa sheegay in la hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalayay Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ee Muqdisho ka socotay.

Qoraal kooban ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inta laga xalinayo khilaafka ka jira doorashada la hakinayo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®