SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo Madfac la beegsaday Gaari Rakaab sidey iyo 6 qof oo ku dhimatey

Wararka laga helayo degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada AMISOM ay xalay Madfac ku dhufteen Gaari nuuca Soomaalida u taqaano Caasi kaas oo sida la sheegay siday Khudaar.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Qoryooleey ayaa ku soo warramaya in Gaarigaasi Caasiga ahaa uu marayay deegaanka Xero 2aad oo illaa 5 km dhanka Koofur Galbeed kaga beegan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madfaca haleelay Gaarigaasi ayaa la sheegay In ay ku dhinteen dhammaan Rakaabkii la socday.

Tirada dhimatay ayaa la sheegay in ay gaareyso cadadooda illaa 6 qof oo la socday Gaarigaasi Khudaarta siday.

Waxaana gebi ahaan basbeelay Gaarigaasi Madfaca ay la beegsadeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan nawaaxiga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®