SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiir Mungaab oo sicad u sheegay in Isbedal muuqda lagu Sameeyo Hoggaanka Sare ee dalka

Wasiiru dowlaha Wasaarada Cadaaladda dowladda Soomaaliya Xasan maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay isbedal ku saleysan hoggaanka Sare ee dalka.

Mungaab ayaa sheegay in koox ay dalka qabsatay ,islamarkaana sanadyadii lasoo dhaafay uusan gaarin dalku horumar la taaban karo.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Cadaaladda ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay jiraan Musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya, kuwaa soo uu sheegay in ay u badan tahay in ay bedalaan hoggaanka ugu Sareeya dalka.

Waxaa uu xusay in hadda dalka uu ku jiro marxalad adag , loona baahan yahay Hoggaan cusub oo isbedal la imaan kara.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Hogaamiyeyaal kale oo caan ku ah Siyaasadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in dalka uu u baahan yahay hoggaan cusub.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®