SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo NGO Mashruuc cusub ah ka bilowday Shabeelaha Dhexe

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay degaanada maamulka Hirshabeelle in ay ka bilaabeen howlgal cusub oo lagu furayo wadooyinka ugu muhiimsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe si loo fududeeyo howlgalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waddo furistaan ayaa waxaa fulinaya ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM.

Taliyaha qeybta Shanaad ee ciidanka AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay maamulka Hirshabeelle ay ka caawinayaan furista Waddooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa qeyb ka qaadanaya furista Wadooyinka Xafiiska Taageera Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya.

” Mashruucaan waa mid la doonayo in lagu dayactiro Wadooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana fulinaya ciidanka AMISOM, Maamulka Hirshabeelle, iyo sidoo kale xafiiska taageera Qaramada Midoobey, waxaan doonaynaa in aan fududeyno isku socodka wadooyinka Shabeelaha Dhexe” sidaas waxaa Yiri taliyaha qeybta shanaad ee ciidanka AMISOM Venuste Nduwayo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®