SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo Raaci Donta Sharcig Gobolka Banadir Haweenaydii ay ku jiireen Muqdisho Khamiistii

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray Gaari ay leeyihiin ciidankooda Khamiistii Afaafka hore ee Hotelka Jaziira ku jiiray Qof Dumar ah.

War kasoo baxay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Falkaasi uu ahaa mid laga naxo ,islamarkaana dhacdadaasi ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM oo iskaashanaya.

Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in shilkaasi uu u dhacay si kadis , islamarkaana ay raaci doonaan Sharciga Taraafida ee gobolka Banaadir.


Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo qoyskii iyo dadkii ay ka dhimatay Haweenaydaasi , waxaana uu falkaasi uu ku tilmaamay mid Nasiiro daro ah oo loo baahan yahay in wax badan laga qabto.

Waxaa uu sheegay in ciidanka AMISOM ayaa qaadi doonaan tilaabo kaste oo lagu doonayo in wax looga qabto dhibaatooyinka ciidanka AMISOM ay gaarsiiyeen Bulshada Soomaaliyeed.

Khamiistii ayay aheyd Markii Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM uu Muqdisho ku jiiray qof dumar ah , kadibna uu iskudayay in uu Baxsado inkastoo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhowr Jeer ayaa Ciidmada AMISOM waxaa ay jiireen Dad rayid ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®