SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xal laga gaaray Dagaalladii ka dhacay Gobolka Hiiraan ee aabka qabiil uga socdey

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dib u heshiisiin rasmi ah la kala dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada , waxaana maamulka Gobolka Hiiraan ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay sidii xal looga gaari lahaa dagaalada ka dhaca Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale degaanada Hoos yimaada.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Hiiraan Salaad Xassan Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleedyo kusoo noqnoqday gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ay isku keeneen Odayaashii iyo bilihii ku dagaalamay Baledweyne ,islamarkaana xal laga gaaray dagaaladaasi.

Xoghayaha ayaa sidoo kale xusay in ay rajaynayaan in dagaal beeleed dambe uusan ka dhacin gobolka Hiiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®