SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabaab oo Xalay la wareegay Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Sh/dhexe

 

Dagaalameyaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Xalay Dagaal kula wareegay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Banaanka uga baxeen.

Dagaal ka dhacay Magaalada ayaa la sheegay inuu geystay Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac,waxaana la xaqiijiyay in Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay Dagaalka ku dhinteen.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Gacan ku haynta Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay la wareegeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Shabaab ayaa Saakay waabarigii dib uga baxay Magaalada Mahaddaay, waxaana Magaalada ku soo laabtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu Muhiimsan ee ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka Hirshabelle iyo kan Degmada Mahaddaay weli kama hadlin Dagaalka Al-shabaab ay Xalay ku qabsadeen Degmadaasi Mahaddaay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®