SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

4-ta Masuul ee ugu sareysay Maamulka Galmudug oo Lagu Eedeeyay In Ay Jabiyeen Sharcigii

 

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug oo Xalay shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee maamulkaas ayaa ku eedeeyay Madaxda Maamulka Galmudug in ay ku tunteen dastuurka Maamulkaas, islamarkaana aysan haatan Galmudug laheyn wax hogaan ah.

Xildhibaanada Shirka jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in uusan jirin Mas’uul ku sugan Magaalada Cadaado, islamarkaana madaxda ugu sareysa Galmudug ay ka maqan yihiin deegaanada Galmudug.

“Waxaa dhacay qalad weyn, haduu Madaxweynaha Galmudug maqan yahay waxaa la wareegaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka,haduu Madaxweyne ku-xigeenka maqan yahay waxaa la wareegaya Gudoomiyaha Baarlamanka, haduu Gudoomiyaha Baarlamanka maqan yahay waxaa la wareegaya Gudoomiye ku-xigeenka kowaad, balse nasiib daro dhamaanba ma joogaan Madaxtooyada, Galmudug in la inqilaabo way u sahlan tahay xiligaan”, ayuu yiri.

Dhamaanba Xildhibaanada dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ka codsaday Guddoonka Sare ee Baarlamanka Galmudug in la qabto kulan deg deg ah oo loogu hadlaayo sida loo dayacayo xilalka Galmudug.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®