SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Jubbaland oo eedeeyn kulul u jeedisay Al-Shabaab

 


Maamulka Jubbaland ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Xarakada Al-Shabaab , waxaana ay sheegeen in ay laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Al-Shabaab ay laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana ciidanka Amaanka maamulka Jubbaland ay qaadayaan tilaabooyin lagu la dagaalamayo Al-Shabaab.

Waxaa uu Xusay in Al-Shabaab ay guul dareyteen Waa sida uu sheegay Wasiirka.

Wasiiru dowladaha ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay dad badan ka dhaceen xoolihii ay haysteen .

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ciidanka Jubbaland ay gurmad u fidiyeen dadka Shacabka ah ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab.

Dagaallo ayaa shalay ka dhacay degaanno dhinaca Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladaasi ay u dhaxeyeen Al-Shabaab iyo qabaa’ilaad degan gobolka Jubbada Hoose.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®