SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo Maanta Ku Kulmaya Muqdisho

 

Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Shirkaan waxaa furi doona Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh, waxaana ka qeyb galaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Jawaari, Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , Raisul wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carteh Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah sidii loo cadeyn lahaa sida laga yeelayo xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Maamulada Puntland iyo Somali-land.

“Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho, si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo”, ayaa lagu yiri kulankii ugu dambeeyay ay yeeshaan madaxda madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®