SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Degmada Maxaas oo qabtay Gaari hub u siday Maamulka Ahlu Sunna

Maamulka Degmada Maxaas ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Gaari hub siday oo Ciidamada Dowladda oo taabacsan Maamulka Hirshabelle ay ku qabteen Duleedka Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane ayaa waxuu sheegay in Gaarigan la qabtay uu ku sii jeeday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye Muumin ayaa intaasi ku daray in Gaarigan hubka siday uu ku sii jeeday Degaanada Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca balse haatan ay ka hortageen sida uu tilmaamay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye Xalane waxuu sidoo kale tilmaamay in ay baxsadeen Shaqsiyaadkii la socday Gaarigii hubka u siday Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna oo ku aadan warkan ka soo yeeray Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Saaka dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo Degaano hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®