SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada milatariga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab uu ka dhacay Tuulooyin hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Weerar ay ku qaadeen Tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo Hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaan la ogeyn Khasaaraha uu dhaliyay.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Qoryooley ayaa sheegay in Dagaalka si weyn looga maqlayay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Tuulooyin hoosyimada degmada Qoryooley.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®