SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Masuq-maasuqa Ka Jira Soomaliya oo Sabab u Noqday Xaaladaha Bani’aadanimo

Ururka Caalamiga ah ee darsa Xaalada Masuqmaasuqa Aduunka (Transparency International) iyo Ururka ka hortaga masuqmaasuqa ayaa ka codsaday dowlada soomaaliya, hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha arimaha bini’aadanimo in ay talaabo ka qaadaan masuq-maasuqa xoogan oo soomaaliya ka jira, kaas oo sabababy in baahida bini’aadan’nimo ee ka jirta dalka Soomaaliya heerkii ugu sareysay in ay gaartay, islamarkaana loo baahanyahay in gargaar la gaarsiiyo gaar ahaan koofurta soomaliya.

Ururka ayaa sheegay qilaafyada ka socda Soomaaliya iyo marxaladaha deg-daga ah ee ka jira dalka in ay sababtay barabaxa malaayiin shacab ah oo guryahooda ka firxada.

Waxa hay’adu ay sheegtay in dalka Soomaaliya uu kujiro xaalad gaabis ah taa oo keentay gaajo, roob yari,dalaga oo aan lagu ran, iyo masiibooyinkale oo dabiici ah.

Ku dhawaad 5 Million oo qof oo Soomaali ah ayeey sheegtay in ay u baahanyihiin in noloshooda la caawiyo.

Hay’adda ayaa tilmaamtay in gabi’ahaanba masuq-maasuq xoogan uu hareeyay barnaamijyada bini’aadan nimo marka laga soo bilaabo xafiisyada ugu sareeya ee dalka Kenya oo loo soo marsiiyo gar’gaarka bini aadanimo ee kajira Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®