SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaalo iyo Qaraxyo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weeraro saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay degmooyin iyo deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade, oo la hadlay warbaahinta Taageerta shabaab ayaa sheegay in gaari ay la socdeen Ciidamada Brundi lagu gubay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolkaas, isagoo hadalkiisa raaciyay in qasaaro la gaarsiiyay Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade ayaa sheegay in ku dhaw 50 Gaari oo laga gubay Ciidamada AMISOM inay yaalaan garoonka Jowhar.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan maamulka Hirshabeele ee lagu dhisay Magaalada Jowhar ayuu sheegay Yuusuf Sheekh Ciise Kabo Ku Tukade in Gobalka uusan ka jirin wax maamul ah oo la yiraahdo Hirshabeele oo saameynku leh Gobalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®