SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Magaalada jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in labo nin oo kamid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dileen mid ka mid ahaa Taliyeyaasha Sare sare ee Xarakada Al-shabaab.

Weerarka lagu dilay sarkaalka ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada Jowhar ee Maamulka Hir-shabeelle.

Labadaan nin ayaa waxaa saldhigga booliska ee Magaalada Jowhar ku soo bandhigay ciidamada Boolsika Magaaladaas, iyagoo sharaxay sababta ku dhiiri gelisay inay weeraraan ayna toogtaan sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabab.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Raaxaale waxa uuna kamid ahaa saraakiisha Al-shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®