SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada dowaladda Suuriya oo qarka u saaran in ay la wareegaan Xalab

Dadka oo ka qaxaya magaalada Xalab Ciidamada dowladda Suuriya ayaa qarka u saaran in ay ku guuleystaan la wareegidda gacan ku haynta magaalada Xalab, halkaasi oo ay fallaagadu kula dagaalamayeen muddo afar sano ah.

Milatariga Suuriya ayaa qabsaday degmooyin badan oo ka tirsan bariga magaaladaasi oo fallaagadu ay maamulayeen, waxaana qaybaha yar ee soo haray ku socda duqeymo lixaad leh.

Dadka rayidka ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi dhibaato ku haysata.

Qaar ka mdi ah dadkaasi ayaa waxa ay baraha xiriirka bulshada soo dhigayeen farriimo dardaaran ah iyaga oo isu diyaarinayay in ay dhintaan.

Q.M ayaa waxa ay sheegaysaa in dowladaha Ruushka iyo Suuriya ay khasab tahay in dhabarka loo saariyo mas'uuliyadda gabood falyo halkaasi ka dhaca.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®