SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Anteenooyinkii Shirkadda Safaricom ee Dalka Kenya oo qeybo ka mid ah ay Al-Shabaab burburiyeen

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Mandera ee dalka Kenya.

anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Mandera Fredrick Shisia.

Fredrick Shisia ayaa sheegay anteenooyin la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.


Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in Al-Shabaab looga shakisan yahay in ay Afduubteen qaar ka mid ah shaqaalo kormeerayay xarumaha Shirkadda ee degmooyinka Ceel-Waaq iyo Sidoo kale Mandera.

” Waxaan Xaqiijinaynaa in Al-Shabaab ay burburiyeen Anteenooyin isgaarsiineed oo ay laheyd Shirkadda Safaaricom ,islamarkaana Qadka taleefanada degaanadaasi ay si weyn u xun yihiin” ayuu yiri Fredrick Shisia.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®