SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Khaatuma oo eedeeyn kulul u jediey madaxweynaha Soomaaliya

Maamulka Khaatuma ayaa ka hadlay Doorashada xildhibaanada Sool iyo Sanaag ee la sheegay in dhawaan lagu dooran doono Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maamulka Khaatumo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu xaqiray shacabka kunool degaanada maamulka Khaatuma ,islamarkaan uu amray xildhibanadii kasoo jeeday Khaatumo in lagu doorto Magaalooyinka Muqdisho iyo sidoo kale Garowe.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatuma Abshir Cabdicasiis Sheekh ayaa sheegay in dadka kunool degaanada maamulka Khaatuma ay boobeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Khaatuma aysan aqbali doonin in xildhibaano lagu soo doorto Muqdisho iyo sidoo kale Garowe in ay matalaan shacabka kunool gobolada Sool iyo Sanaag.

Maamulka Khaatuma ayaa kasoo horjeeda maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay maamulada aysan aqoonsan dowladda Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®