SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
1212/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka,QM iyo Turkiga oo si kulul uga hadlay Qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

 

Dowladda Mareeykanka, QM, iyo Dowwladda Turkiga Si kala Gaar-kaar ah u Cambaareeyay, Qaraxii Qasaaraha Badan Geeystay ee shalay Ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Waraqaad uu Soosaray Afhayeenka Golaha Amaanka Qaranka Mareeykanka Ned Price, ayuu ku sheegay in Mareeykanku uu Si Adag u Cambaareeynayo Weerarkii Shalay kadhacay Magaaladda Muqdisho kaasi oo Qasaaro Badan Dhaliyay.

Afhayeenka u hadlay dowladda Mareeykanka ayaa sheegay in Weeradii Isbuucaan dhexdiisa Dhacay ay yihiin isku Dayo Dagaalamyaasha Al-shabaab ay ku Doonayaan in ku Diciifiyaan Soomaaliya oo Hadda Ka shaqeeyneeysa in ay Soo dhisto Dowlad Dadka Dhan matasha.

Waxaa uu Sidoo kale sheegay Ned price in Mareeykanku uu Garab Taaganyahay Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed Gaar ahaan Xilligaan oo lagu jiro Doorasho Xasaasi ah.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda turkiga yaa Si ad Isna u cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay afaafka Hore Dekadda Muqdisho, Warqad uu Soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa lagu shegay in Turkigu uu sii waddayo Garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed , iyo Dadaaladda Dib u shiska Xasilloonidda Dalka.

Cambaareeyta Turkiga ayaa ku soo Aadeeysa iyadoo Shalay Dalka Turkiga uu ka dhacay Qarax qasaare Geeystay oo ay ku Dhinteen Dadkabadan 40 Ruux ay ku dhaawacmeen Dad ay Tiradoodu Gaareeyso 170 Ruux.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramadda Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ayaa Isaguna Dhinicciisa Cambaareeyay Weerarkii Shalay muqdisho ka dhacay.

Meachel keating ayaa sheegay in Qaraxii slay Al-shabab ay kudileen Dadbadab uu Cadeeyn u haa Sidda al-shabaab ay u diidanyihiin Nolosha iyo Rajadda Muwaadiniinta soomaaliyeed, wuxxuu intaas kudaray in Qaraxii shalay loogu Talagalay in lgu muujiyo Diidmadda Alshabaab ee Doorashadda Sanadkaan 2016.

Qaraxii shalay oo ay ku dhinteen Dad Tiradoodu ay gaareeyso ku Dhawaad 40 Ruux Dhaawucuna uu ka badanyahay 60.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®