SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
1212/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Kenya oo War kasoo saartay Qabsashadii Al-Shabaab ee Degmada Ceel-Waaq

 

Dowladda Kenya ayaa beenisay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay xalay Qabsadeen Degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo .

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay tahay wax kama jiraan wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay muddo saacado ah ay gacanta ku hayeen degmada Ceel-Waaq.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidanka dowladda Kenya aysan ka bixin degmada Ceel-Waaq ,islamarkaana tiro yar oo ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo dhawaadeen degmada .


” Degmada Ceel-Waaq waxaa gacanta ku haaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda kenya ,waxaan sheegayna in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Marka laga soo tago Warka soo baxay dowladda Kenya , waxaa xaqiijiyay in Al-Shabaab Qabsadeen qeybo ka mid ah Magaalada Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kornel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isla xalay ka baxeen Ceel-Waaq ,islamarkaana hadda ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan xalay si buuxda ula wareegin degmada ,laakiin ay qabsadeen qeyb ka mid ah Magaalada .

Al-Shabaab ayaa xalay sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa horay weerar ay ku qaadeen degmada Ceel-Waaq waxa ay ku dileen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob muhiim ah, waxayna dhacdaa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan dhanka dhulka NFD.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®