SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
1112/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyaha ilaalinta Canshuuraha oo ka hadlay Qaraxii Saakay

 

Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Biriga Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Qaraxii Saakay ka dhacay Dhismaha Laanta Canshuuraha oo u dhaw Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho lala bartilmaameedsaday Dad Shacab ah oo u badan Muruq Maalka Dekedda.

“Waxaa halkaas lagu Xasuuqay Dad Shacab ah oo aan waxba Galabsan oo doonayay in ay ka Xamaashaan Dekedda si ay Noloshooda u maareeyaan,waana wax laga Xumaado in Shacab Maati ah la laayo”ayuu yiri Gen. Bariise.

Illaa hadda Ma jirto Wax Faah-faahin ah oo Laamaha Ammaanka ka soo baxay oo ku aadan Xadiga uu le eg yahay Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac,balse Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in 9 Qof ay ku dhimatay Qaraxa illaa 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®