SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirada Dalalka Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga Dalka Kenya ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi Safiirda Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga.

Kulankan uu Madaxweynahu la qaatay safiiradaasi ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira Dorashooyinka Soomaaliya, mashaariicaha horumarineed ee ay dalalkaasi ka wadaan Puntland iyo abaaraha baaxadda leh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa safiirada ku amaanay shaqada iyo dedaalka xoogan ee ay ugu jiraan inay ka qayb qataan horumarinta Soomaaliya gaar ahan Puntland, sidoo kale waxa uu madaxweynu uga mahad celiyey safiirada iyo dawladahoodaba sida ay ugu heelan yihiin inay ka cawiyaan arimaha amaanka guud ahaan Soomaliya iyo gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kala hadlay safiirada Dalalkaasi Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga arrimaha ammaanka Puntland waxana uu sheegay in Puntland hore ula gashay dagaallo argagaxisada nabad diidka ah ee Al-shabaab kana guulaysatay, sidoo kale isbuucii ugu danbeeyey ay kooxo argagixiso ah oo sheeganaysa Daacish weeraro ay ku soo qadeen Degmada Qandala ee gobolka Bari halkas oo ay ciidamada Puntland guulo lixaad leh ka soo hoyeen, waxaana uu cadeeyey Madaxweynaha Puntland dhamaan guulahaasi lixaad kaleh ee Puntland usoo hoydey ay ku gaadhey iskaashi, iyagoon wax gacan ah ka helayn Beesha caalamka.madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu uga warbixiyey safiirada xalaadda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona sheegay in abaartan ka jirta Puntland ay tahay tii ugu darnayd ee abid soo marta Soomaaliya wax yeelona u geysatey dad iyo duunyoba, islamarkaana loobahan yahay in gacan laga geysto gurmadka loo fidinayo dadka ay baaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland ayaa ku bogaadiyey kuna ammaanay ciidamada Putland guusha ay ka gadheen dagaalkii ay argagixisada kula galeen degmada Qandala ee gobolka Bari iyagoo gacan ka helaya shacabka iyo Puntland.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®