SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Soomaliya oo ka Qeyb Galay shirka madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka madaxweyneyaasha IGAD oo ka dhacay Addis Ababa, Waxyaabaha diiradda lagu saaray shirka waxaa ka mid ah.

Soomaaliya oo lagu ammaanay doorashooyinka ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa loo jeediyey boggaadin.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in doorashada dhici doonta dhammaadka bisha ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

Sidoo kale Waxaa la soo jeediyey in la bilaabo qorshe dalalka Carabta ay ku soo celinayaan suuqa xoolaha oo ay Soomaaliya ugu dhoofin jirtay.

Beesha caalamka ayaa loogu baaqay in xawaaladaha Soomaalida laga qaaddo xayiraadda saaran, maadaama kobaca dhaqaalaha ay qeyb weyn ka qaadan jirtay.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa uga mahadceliyey madaxweyneyaasha IGAD dedaalka ay Soomaaliya ku taageerayaan, maadaama dalku uu horey u dhaqaaqay muddo dhowna Soomaaliya ay furi doonto waddo cusub oo dhanka nabadda iyo horumarka ah, isagoo Ballan qaaday in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto, shacabka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin wax wada qabsi muuqda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®