SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hay’adda WFP oo hakineyso Gargaarkii ay gaarsiin jirtey meelaha Al Shabaab ay gacanta ku hayaan

Hay’adda WFP ayaa shaaca ka qaaday in aysan awoodin in gargaar cuno ay geyso qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay ka arimiyaan Xoogaga Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda WFP ayaa waxey sheegeen in dhaqaalo xumi iyo cuno yar soo wajahday Hay’adda balse Hay’addan ayaa rajeyso in ay hesho dhaqaalo dheeraad ah.

Hay’adda waxaa sidoo kale ay shaacisay in loo baahan yahay in ay hesho lacag dhan $13.7 milyan oo doolar, taasi oo wax loogu qaban doono Qaxootiga inta u dhaxeyso bishan December ilaa iyo bisha April ee Sanadka soo socoda.

WFP ayaa inta badan lacago kaash ah iyo cunno ku taageerta Qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®