SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diyaarado Duqeymo Culus ka fuliyay qeybo ka mida gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku soo warramaya in Sacadihii la soo dhaafay ay diyaarado dagaal duqeeyeen deegaanka Kumbareera oo qiyaas ahaan 20 km u jira degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Deegaankaan Diyaaraduhu duqeeyeen ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku nool yihiin Dad Xoolo dhaqato ah kuwaas oo badi Reer Miyi ah.

Ilo deegaanka ah ayaa waxa ay meesha ka saareen in deegaanka la duqeeyay ay wax Saldhig ah ku leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 10 gantaal lagu garaacay deegaankaas lagu Magacaabo Kumbareera ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ma cadda haddii khasaaro uu soo gaaray Shacabka ku nool meesha wax ka dhaceen.

Diyaarado kuwa dagaalka ah oo aan Heybtooda la aqoon ayaa inta badan Duqeymo ka fuliyo deegaanno ay tuhunsan yihiin In ay ku sugan yihiin Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®