SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

AMISOM oo Labo Wiil Oo Meel kawada Shaqeynayay Saakay ku Dilay Deegaanka Buulo-Mareer

Wararka ka imaanaya deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in saakay Qarax Miino ciidamada Amisom lagula eegtay deegaanka Buulo-mareer.

Qaraxa oo ka dhacay Afafka hore ee deegaanka ayaa waxaa uu sameeyay mid kamid ah gaadiidki ay wateen ciidamada Amisom.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada Amisom waxa ay ku dileen goobta uu qaraxa ka dahcay meel aan ka fogeyn Labo wiil oo la sheegay in ay kawada shaqeynayeen Labaajo ku taala deegaanka buulo-mareer.

Qof goob jooge ah ayaa idaacadda simba u sheegay in ciidamada qaraxa kadib ay qabteen labada wiil islamarkaana inta aysan dilan goobta waxa ay ka raacdeeyeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo goobta qaraxa uu ka dhacay ay u taalay isbaaro, waxana daqiiqado kadib ay toogteen ciiidamada amisom labada wiil ee dhalinyarada aha.

Dhinaca kale Ciidamada Amisom ayaa saacad kadib waxa ay tureen madaafiic waxana la xaqiijiyay in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay guri ku yaala gudaha deegaanka buulo-mareer.

Madfaca ay tureen ciidamada Amisom ayaa waxa uu dhaawac u geystay Nin odey ahaa oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed, waxana uu ku sugnaa xiligaasi gurigiisa, Dhaawaca maxamed ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Lama xaqiijin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada amisom ka soo gaaray qaraxa saakay lagula eegtay deegaanka buulo-mareer balse ciidamada amisom ayaa caadeystay xiliyada qaraxyada lala eegto in ay furan risaas aysan u meel dayin.

Ciidamada amisom ayaa horaan dad shacab aha waxa ay ku dileen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka sahbeelaha hoose.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®