SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dib u dhac ku yimid Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

Magaalada Muqdisho maanta waxaa la filayay in ay ka dhacdo Doorashada xubnaha Aqalka Sare, sida ay horey sheegeen Guddiga fulinta Doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee u gaarka ah Goballada Waqooyi, balse Doorashadaasi dib ayay u dhacday.

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay Doorashada in dib u dhac uu ku yimid, waxaana ay sheegeen Doorashada in ay dhici doonto maalinta sabtida ah.

Doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.


Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Xubnaha buuxiyay shuruudaha Musharaxnimo ee Doorashada Aqalka Sare.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa si habsami leh kaga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Golayaasha Qaranka, iyadoo sidoo kale heer gabo gabo ah ay marayaan Doorashooyinka wali ka socda magaalooyinka kale ah ee Dalka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®