SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xaalad adag oo soo wajahday Soomaalida ku nool Sweden

Booliiska iyo Hay’adda socdaalka ayaa si wadajir ah waxa ay Dowladda Sweden ugu gudbiyeen hindise ah in Booliiska awood loo siiyo si kadis ah in ay ku booqan karaan guryaha Soomaalida sharciyada loo diiday degan yahiin, islamarkaasna ay weydiiyaan waraaqahooda aqoonsi.

Ujeedada arrinkaan laga leeyahay ayaa ah in la kordhiyo musaafurinta dadka sharciyada looga diiday balse wali ku dhuumaaleysanaya dalka gudihiisa.

“Arrinta la taaban karo ee arrinkaan laga leeyahay waxa ay tahay in la koontaroolo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorada qaxootiga iyadoo loo marayo in lagu booqdo guryahooda si kadis ahna loo galo iyo waliba in xataa la baari karo jeebabkooda, taas oo ah arrin laga sameeyo dalka Norwey” Ayuu yiri Per Löwenberg oo ka tirsan Taliyeyaasha Ciidamada ilaalada xuduudaha.

Dowladda Sweden ayaa xilligii guga ee la soo dhaafey waxa ay ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska, hey’adda socdaalka iyo Ciidamada asluubta in ay Dowladda u soo gudbiyaan fikirkooda la xiriira sida ugu haboon ee Dalka Sweden looga saari karo dadka soogalootiga ah ee magangalyada ama sharciga looga diiday, balse wali ku dhuumaaleysanaya gudaha Dalka Sweden.

Hindisahaan Dowladda loo gudbiyey ayaa sidoo kale waxaa ku cad in dadkaas magangalyada looga diidey Sweden looga masaafuriyo isla habkii looga masaafurinayey saddexdii sano ee la soo dhaafey.

Hindisahaan ayaa sidoo kale lagu muujiyey baahida loo qabo in Hay’adaha Dalka Sweden ay yeeshaan kulan ku saabsan sidii loo dabagali lahaa ama lagu masaafurin lahaa dadka sharciyada looga diiday Sweden.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®