SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamo Ajnabi ah oo howlgal Diyaarado loo adeegsadey ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose

Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn heybtooda ayaa lagu soo warramayaa in xalay Duqeymo culus ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Howlgal u muuqday mid qorsheysan ay diyaaraduhu ku qaadeen Deegaanka Ibraahim Cali Beerre oo qiyaastii 20 km u jira Tooratoorow.

Waxaana Diyaaradahaasi ay duqeymo ka geysteen halkaasi iyadoona duqeymaha kadib ay ciidamo ka soo daateen Diyaaradaha islamarkaana Dagaal fool ka fool ah kula galeen meesha wax ka dhaceen Xarakada Al Shabaab.

Ilo deegaanka ah oo ka gaabsaday Magacooda iyo in aan codkooda la Isticmaalno ayaa xaqiijiyay in khasaarooyin xoogan howlgalkasi loogu geystay Al Shabaab.

Warar ayaa sheegaya in tiro dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab ay qafaasheen Ciidamada Ajnabiga ah ee weeraray Tuulada Ibraahim Cali Beerre.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®