SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha oo ka hadlay Ololahiisa Doorashada Madaxtinimada

Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya oo ka socday dhowr magaalo oo dalka ka mid ah ayaa iminka maraya heer gebo gebo ah , waxaana lasoo gabagabeeyay doorashadii ka socotay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Dhinaca kale, waxa jira loolan ay wadaan musharaxiinta madaxweyne, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo labaduba ah musharax madaxweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay tagay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaana uu la kulmay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka Axmed Madoobe iyo sidoo kale Labada Aqal ee lagu doortay Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in ololihiisa doorashada uu u tagay Magaalada Kismaayo.

Toddobaadkii hore waxaa isna tagay magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isna la kulmay xildhibaannada cusub.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®