SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

QM oo ka digtey in Doorashada Soomaaliya la garsiiyo 2017-da

War kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa looga hadlay howlaha doorashooyinka ka ee ka socda Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa ka digay in doorashada Soomaaliya ay gaarto Sanadka cusub ee 2017 .

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo inta aan la gaarin sanadka 2017.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg loo xaliyo tabashada ay qabaan maamulka goboleedka Puntland oo ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Wakiilka ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay ka niyad jabi doonto hadii doorashada Soomaaliya ay gaarto sanadka 2017 oo ay ka harsan yihiin maalmo.

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in la yareeyo tabashooyinka ay qabaan dadka si ay u dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada soo dhameystiray xildhibaanada Aqalka Hoose ayuu ugu baaqay in ay si deg deg u saxiixaan , si ay u doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa horay ugu tilmaantay doorashada Soomaaliya mid ay hareeyeen musuqmaasuqyo aad u balaaran oo sameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®