SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Haweeney isku soo Sharaxday Xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somalia

Xildhibaanad khadiijo maxamed Diiriye oo kamid ah Xubnaha aqalka Hoose ee baalamaanka Federaalka Soomaliya ku matala deeganada mamaulka Hir-shabeelle ayaa maanta ku dhawaaqday in ay tahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaliya.

“Waxaan doonayaa inaan halkan uga cadeeyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda Xildhibaannada Golaha Shacabka inaan ahay Murashax u taagan qabashada Xilka Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo aan qof ahaan u arkay in uu yahay xil aan gudashada waajibaadkiisa si hufan uga soo bixi karo hadii la ii doorto” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo si rasmi ah u shaacisay musharaxnimadeeda xilka Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanad khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in qibrad badan ay u leedahay siyaasada islamarkaana ay muddo badan kusoo dhex jirtay siyaasada Soomaliyeed gaar ahaan tan baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyey ka mid ah aheyd Xildhibaannadii kala duwanaa ee dowladihii dalka soo maray, waxaana ay si rasmi ah uga mid noqotay sanadkii 2000 Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhigsay dalka Djibouti.

Sidoo kale Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa haatan ah wakiilka Haweenka Soomaaliyeed u metelaya Golaha Haweenka Xildhibaannada urur goboleedka IGAD IPU-IGAD Women CAUCUS oo ay si rasmi ah u noqotay bartamihii sanadkan 2016-ka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®