SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/12/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ra’iisulwasaare Cumar oo sheegay in hada wixii ka danbeeya loo baahan yahay Isbedde Dalka ka dhaca

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay isbeddel dhinaca hoggaanka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mid ah musharrixiinta u tartmaysa xilka madaxweynaha, waxaana uu hadalkan ka sheegay magaalada Kismaayo kadib markii uu la kulmay xubnaha labada Aqal ee dhowaan laga soo doortay maamul Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la eego hoggaanka sare ee dalka iyo sida uu u shaqeeyo, islamarkaana is-beddel lagu sameeyo.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay hadii noqdo Madaxweynaha Soomaaliya , in uu wax badan ka qaban doono Afarta sano ee soo socota.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qorshihiisa ay ka mid tahay in uu shaqo abuur u sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®